Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada heer federaal oo War cusub soo saaray

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada heer federaal ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay natiijo la’aantii uu ku soo  dhamaaday shirkii madaxda Soomaalida Dhuusamareeb.

War saxaafadeed ay soo saareen ayey ugu baaqeen dhinacyada siyaasada inaysan quusan oo la sameeyo tanaasul.

Waxaa xusid mudan in saddexda qodob ee sababay shirka natiijo la’aanta ku dhamaaday uu ka mid ahaa arrinta Guddigan oo ay diideen mucaaradka iyo dowlad goboleedyada qaarkood, iyagoo ku eedeynaya iney ka baxaan saraakiil ciidan iyo shaqsiyaad ka tirsan shaqaalaha Villa Somalia oo aan dhexdhexaad noqon Karin.

Hoos ka Akhriso qoraalka guddiga

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -