Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xaalad deg deg ah oo looga dhawaaqay Itoobiya & Wararkii ugu dambeeyey

Golaha Wasiirada Itoobiya ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo la geliyay dalka oo dhan, sida uu shaaciyay Wasiirka Cadaaladda Gedion Timoteos.

Colaadda dalka Itoobiya ayaa ku sii faafaysa deganano horleh iyadoo mucaaradka Tigray ay qabsadeen magaalooyin cusub, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya waqooyiga dalkaasi.

Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin colaadda sii cakirmaysa, waxayna ku baaqeen in xabad-joojin deg deg ah la gaaro.

Fallaagada Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) oo tan iyo sanadkii tagay la dagaalamaysay dowladda ayaa haatan waxa ay isku xirmeen dagaalyahano ka tirsan Oromada, arrintaas oo si wayn u kaabaysa awoodooda ay guluf ugu ekayn karaan magaalada Addis Ababa

Horumarka ay samaynayaan ciidammada fallaagada ayaa horseedday in ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu ku baaqo in dadku ay hubka qaataan, halka gobollada Amxaarada iyo Oromiyadana lagu soo rogay xaalad degdeg ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Ing. Yariisow oo wareejiyey dhul Turkigu ka dhisayo xarun tababar oo casri ah

Caydiid Ali

Guurka gabdhaha aan qaan gaarin hoos u dhaay iyo sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Xasan Shiikh oo digniin ka bixiyey dib u dhac ku yimaada doorashada lagu heshiiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---