Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo si adag uga hadashay Soomaali badan oo si Isir Naceyb ah loo xir xiray

Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga  hadashay Soomaali badan oo saacadihii lasoo dhaafay lagu xir xiray magaalada Ndola oo katirsan dalka Zambia, kuwaa oo halkaa kunoolaa waqtiyo kala duwan.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay ay si dhow ula socotaa warbixinnada sheegaya xarig wadareed lagula dhaqaaqay dad Soomaali ah oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia.

Wasaarada Arimaha Dibadda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in dadka Soomaaliyeed ee la xir xiray oo loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalsho ahaan, waxa ayna Wasaarada arintaasi ka muujisay walaac xoogan.

Qoraalka kasoo baxay Wasaarada arimaha Dibadda Soomaaliya ayey ku sheegtay in ay xilligan ku howlantahay sidii cadeymo uga heli lahayd Dowladda Zambia, loona xalin lahaa si degdeg ah arrintan aadka looga xumaaday ee lagu beegsaday dadka Soomaaliyeed.

Dalka Zambia waxaa kunool Soomaali badan oo dalkaasi tagay waqtiyo kala duwan, lamana oga waxa xiligan kusoo beegay in dowlada Zambia beegsato ayna xir xirto Soomaalida dalkeeda kunool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rasaas weli ka socota Hotelka Elite & Xildhibaano ka mid noqday dad la soo badbaadiyey

Caydiid Ali

Musharax Saciid Ciise: “NISA waxay ka digtey waa Fahad Yaasiin oo magacyo badan leh”

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo dhaleeceyn kala kulmay sawir uu la galay Col. Tuke

Caydiid Ali
Taboola Ads ---