Laftagareen oo Shaaciyay in uu Socdo Qorshe la isugu furayo Degmooyin Go’doon ku jira (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ku qaabilay Maamulka Degmada Xudur.

Maamulka Degmada Xudur oo Horkacayey Gudoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyey Xaalada Degmada Dhinacyada Amniga,Caafimaadka,Waxbarashada iyo Dadaalada ay ku bixinayaan u adeegida Bulshada ku nool Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Maamulka Degmada Xudur uga Mahadceliyey soo dhoweynta ay usameeyeen iyo Warbixinta ay ka siiyeen Xaalada Degmada.

“Waxaan idinkaga Mahadcelinayaa Shaqada aad uhaysaan Shacabka reer Xudur Socdaalkayga Xudur waa mid shaqo oo aan ugu kuura-galayo Xaalada Degmada, Amniga Gobolka Bakool waa muhiim in si Wadajir ah looga wada shaqeeyo, dhibaatada Argigixisada Alshabaab ay ku hayaan shacabka waa inaan si wadajir ah aan ugu shaqaynaa sidii aan uga dulqaadi lahayn shacabkeena, kan dowlad ahaan waxaan wadnaa qorshe la’isugu furaayo Wadooyinka Degmooyinka Xudur iyo Waajid iyo Baydhabo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Xudur waxa uu kulan la qaadan doona qeybaha kala Duwan Bulshada iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka.

- Advertisement -