Dowlada Soomaaliya oo mar kale Amar ku bixisay in laga guuro dhul kuyaala Dayniile

Wasaarada Warfaafinta iyo Dhaqanka Xukuumada Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay amar ay horey usoo saartay oo ku aadanaa in dadka degan si deg deg ah uga baxaan Dhulka Warlaliska Raadiyo Muqdisho ee Degmadda Dayniile.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta ayaa lagu sheegay in digniintii ugu dambaysay  ay siinayaan Dadka sida Sharci Daradda ah ku dagan Dhulka Warlaliska Raadiyo Muqdisho ee Degmadda Dayniile.

”Wasaaraddu iyadoo tixraacaysa Xeer Madaxwayne ku taariikhaysan 27 October waxay wargalinaysaa Dowladda Hoose iyo Taliska Booliska Gobalka Banaadir inay guda galaan laga bilaabo 15 ka Bisha November banaynta Dhulka Warlaliska Raadiyo Muqdisho ee Degmadda Dayniile.” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaarada.

Amarkan kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta ee ku aadan dhulka ee leedahay ee kuyaala Dayniile in laga baxo ayaa kusoo aadaya Xeer Madaxweyne uu xalay soo saaray Farmaajo kaa oo ku aadanaa kahor taga Musuq maasuqa iyo boobka dhulka Danta Guud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -