Beesha Gugundhabe oo Shir ku yeelatay Muqdisho Baaqna soo saartay (Daawo Sawirro)

Waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Siyaasiyiin, Waxgarad, Aqoonyahno iyo dhalinyaro kasoo jeeda Beesha Gugundhabe Hawiye, waxa ayna shirkan uga arinsanayeen xaalada siyaasadeed ee dalka.

Beesha Gugundhabe ayaana shirkan kusoo dhaweesay go’aankii Xildhibaanada golaha shacabka mudo kordhinta ugu sameeyeen dowlada, waxa ayna ugu baaqeen beelaha kale ee walaalahood in iyana go’aankaasi taageeraan.

Halkan ka Akhriso Baaq shirka kasoo saareen Beelweynta Gugundhabe.

BAAQA BEELWAYNTA GUGUNDHABE:

Ā Tar: 21/April/2021

Maanta oo ay Taariikhda tahay 21 April 2021 Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Shir looga arrinsanaayo aayaha beelwaynta Gugundhabe loogana wada tashanayo xaaladda uu dalku marayo

Shirkan waxa uu si gaar ah diiradda u saaray doorka beelwaynta Gugundhabe ee dib u dhiska dalka iyo taageeridda dawlad wanaagga iyada oo beeshu ku suntantahay Nabad iyo Horumar.

Beelwaynta Gugundhabe markii ay qiimeeyeen, arkeen iskana waraysteen xaaladda dalka ku suganyahay waxa ay soo saareen:

  1. Beesha waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan beelaha aan walaalaha nahay ee Muqdisho daggan in masuuliyad layska saaro ilaalinta iyo horumarinta Nabadda oo asal u ah wax walba oo horumar ah iyo adkaynta dawladnimada.
  2. Beeshu waxa ay soo jeedinaysaa in la taageero goā€™aankii Baarlamaanka Federaalka awoodda dib ugu soo celiyay shacabka si ay u doortaan cidda matalaysa muddo ku eg 2 sanno.
  3. Beeshu waxa ay carrabka ku adkeenaysaa in waddo kasta oo colaad looga baaqsanaayo laga wada shaqeeyo iyada oo danta guud laga hormarinaayo danta gaarka ah, damaca siyaasiga ah na lagu dabraayo xilksanimo iyo garnaqsi.
  4. Beelwaynta Gugundhabe waxa ay xasuusinaysaa beelaha Hawiye oo ah dadka ku badan caasimadda dalka in ay door wanaagsan ka qaataan dhismaha dawlad wanaag u wada dan ah muwaadiniinta.

Ugu danbeyn Beelwaynta Gugundhabe waxa ay ugu baaqeysaa Beelaha Soomaaliyeed in la adkeeyo Midnimada iyo Wadajirka si loo gaaro Hormar waara oo dan u ah bulshada, lagana fogaado wax walbo oo keeni karo dib u dhac iyo xasilooni darro.

ā€œRAG GOGOSHII WAA NABADā€ sidaas darted aan adkaynno Nabadda.

-Wabillaahi Tawfiiq-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -