Ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug oo la wareegay Saldhiga Guriceel iyo Dagaalka oo…

Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo ciidamada maamulka Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in ay la wareegeen saldhiga booliiska magaalada Guriceel oo horey gacanta kooxda Ahlu Sunna ugu jiray.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada huwanta ah ayaa dagaal culus oo ka dhacay Guriceel ugu suurto gashay in ay kula wareegaan saldhiga booliiska ee Guriceel iyo xaafado kale oo katirsan magaaladaasi.

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Dowlada iyo kuwa Ahlu Sunna ayaa hada ka socda xaafado katirsan magaalada Guriceel gaar dhanka Waqooyi ee aaga Ceel Cali Faarax iyo dhanka berri ee Jaamacadda.

Ciidamada taabacsan Ahlu Sunna ayaa wali ku fara adeegaya in gacantooda aysan ka bixin magaalada Guriceel, waxa ayna ciidamada kooxdaasi isugu tageen Waqooyiga Guriceel halkaas uu ka socdo dagaal xoogan.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowlada Federaalka ay wehliyaan kuwa Galmudug iyo ciidamada Ahlu Sunna ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana adag in si dhab ah loo ogaado inta khasaaraha la egyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -