Sacuudiga oo qaadeysa talaabo mar kale ka careesiineysa Dowlada Turkiga

Boqortooyada Sacuudiga ayaa go’aan ku gaartay in ay xirto iskuulo Turkiga laga leeyahay oo kuyaala magaalooyin kuyaala dalkaasi, talaabadaasi ayaana laga yaabaa in ay ka careesiiso Xukuumada Ankara.

Wakaaladda wararka u faafisa dowlada Turkiga ee Anadolu ayaa baahisay in Boqortooyada Sacuudiga go’aamisay in au xirto 8-iskuul oo Turkiga laga leeyahay marka uu dhamaado sanad dugsiyeedka socda .

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku wargalisay dowlada Turkiga in laga maarmaan noqotay in la xiro iskuuladan Turkiga laga leeyahay ee kuyaala Sacuudiga, waxaana iskuuladan dhigta arday gaareysa 2,256 arday.

Wasaaradda Waxbarashada Turkey ayaa horey u sheegtay inay dalka Sacuudiga ku yaalaan 26 Iskuul oo Turkish ah, iskuuladan ayaana hada Sacuudiga bilaabay in si tartiib tartiib ah u xiraan.

Qorsha Sacuudiga ku xirayo Iskuuladan Turkiga laga leeyahay ayaa laga yaabaa in uu xumeeyo xiriirka u dhaxeeya labada dal uuna mar kale abuuro xiisad labada wadan ka dhax bilaabata.

Xiriirka dowladaha Turkiga iyo Sacuudiga ayaa meel xun gaaray sanadihii lasoo dhaafay gaar ahaan waxii ka dambeeyay dilkii magaalada Istanbuul Boqortooyada Sacuudiga ugu geestay Wariye Jamal Khashogi oo mucaarad ku ahaa Amiirka Boqortooyada Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -