Guddiga Doorashada Heer Federaal oo baaq u diray Madaxweynaha Galmudug

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa xiligan maraya heer gabo gabo ah, waxaana hada harsan kaliya in la doorto labo Senatror oo ka dhiman xubnaha Aqalka Sare ku leedahay Galmudug.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada heer federaal ayaa lagu sheegay in la doortay 52-xubnood oo katirsan xubnaha Aqalka Sare oo gabi ahaan ka kooban 54 xubnood, waxaana hada dhiman kaliya blabo xubnood.

Guddiga doorashada ayaana ugu baaqay Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor in uu soo dhameestiro doorashada labada xubnood ee ka harsan doorahada Aqalka Sare.

”Xubnaha Aqalka sare ee ilaa hadda la doortay waa 52 xubnood oo ka mid ah 54-ta xubnood ee Goluhu ka koobanyahay, labo(2) xubnood oo keliya ayaa ku dhimman Maamul Goboleedka Galmudug, waxa aanan ugu baaqaynaa maamulka Galmudug inay soo dhamaystiraan xubnaha Aqalka Sare ee ku dhiman.” ayaa kagu yiri qoraalka.

Galmudug ayaana la filayaa in maalmaha soo socda qabato doorashada labada kursi ee harsan, waxaana marka ay soo dhamaato doorashada xubnaha Aqalka Sare la filayaa in la guda galo doorashada Xildhibaanada golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -