Uganda oo soo bandhigtay Gaari Dagaal oo ay sameesteen (Daawo Sawirada)

Dowlada Uganda ayaa shaacisay in ay ku guuleesatay sameesashada gaadiidka dagaalka nuuca gaashaamaan oo ay adeegsadaan ciidamada Milatariga, gawaaridan ayaana lagu farsameeyay gudaha Uganda.

Taliyaha ciidanka Uganda, Gen Muhoozi Kainerugaba, ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka soo galiyay sawirada gaadiidka gaashaamaan ee adeegsadaan ciidamada dhulka kuwaa uu sheegay in lagu farsameeyay gudaha Uganda .

Waxa uu sheegay taliyaha ciidanka dalka Uganda in gawaaridan dagaalka ee sameesteen  lagu naqshadeeyey laguna farsameeyay gudaha Uganda, mana shaacin taliyaha astaamaha gaarka ah ee baabuurtan iyo qiimaha ay ku kacayaan.

Gaarigan gaashaaman oo loo bixiyey magac laga keenay afka Sawaaxiliga, oo ah Shabeel, ayaa waxaa shaacintiisa usoo wakiishay taliyaha aabihii, oo ah Madaweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

Dowlada Uganda ayaa wada horumaro ay ku sameeneyso ciidankeeda iyo agabka ay adeegsadaan, lamana shaacin baabuurtan gaashaaman ee Uganda sameesatay in kaliya isticmaalayaan ciidankooda ama in dalal kale laga sii iibin doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -