Raila Odinga oo Balan qaaday in uu dib soo celinayo Suuqa Qaadka Kenya ee Soomaaliya.

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga hadana ah musharax u taagan xilka Maadaxweynaha dalkaasi ayaa bilaabay ololaha doorashada uu ku doonayo in uu ku qabto kursiga ugu sareeyo dalka Kenya.

Raila Odinga, ayaa ololihiisa cusub ee doorashada kusoo darsaday dib usoo celinta suuqa ganacsiga jaadka Kenya ee Soomaaliya oo xayirnaa mudooyinkii ugu dambeeyay, taa oo dhaqaalo daro u horseeday ganacsatada Jaadka ee Kenya.

Musharax Odinga oo ka hadlayay Magaalada Mau Ismaamulka Meru ee dalka Kenya ayaa shaaciyay in Suuqa jaadka ee Soomaaliya ee xirmay in uu keenay dhibaato dhaqaale xumo oo heesata  Dadka Deegaanka .

Waxa uu u balan qaaday Ra’isul Wasaarihii hore ee Kenya dadka uu la hadlayay in uu ka shaqeenayo sidii uu usoo celin lahaa suuqa jaadka ee Soomaaliya iyo Koongada Dimuquraadiga si mar kale dhaqaale uga sameeyaan jaadka dadka deegaanka.

“Waxa aan fahamsanahay dhibaatooyinka heysta Beeraleyda Qaadka, waxaa iga go’an in aan xal u raadiyo sidii ay u heli lahaayeen Suuqa loo iibgeeyo Jaadka sida Soomaaliya & Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo” ayuu yiri Raila Odinga.

Jaadka laga keeno dalka Kenya ayaa la joojiyay horaantii sanadkjii hore markii uu bilowday cudurka Covid-19, waxaana tan iyo xiligaasi dalka laga mamnuucay in la keeno jaadka dalka Kenya iyadoona Jaadka Itoobiya suuq fiican ka helay Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -