Ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug oo ku dhawaaday Guriceel iyo Cabsi jirta

Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug oo wada socda ayaa gaaray deegaano ku dhaw dhaw magaalada Guriceel oo labo isbuuc kahor si nabad galyo ah kula wareegeen ciidamo taabacsan Ahlu Sunna.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada huwanta ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray deegaano ku dhaw dhaw Guriceel , waxaana deegaanada ay ciidamada gaareen kamid ah deegaanka Ceel-Sadiiq oo wax kayar 20-km u jira magaalada Guriceel.

Ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug oo wata gaadiidka dagaalka oo aad u tiro badan ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa in ay gaareen deegaano kale oo iyana ku dhaw dhaw Guriceel iyaga oo doonaya in magaaladaasi dhoor jiho ka galaan.

Kooxda Ahlu Sunna ee la wareegtay magaalada Guriceel ayaa dhankooda wada abaabul dagaal ay ku doonayaan in ay ku fara adeegaan magaalada Guriceel , waxa ayna Ahlu Sunna ciidamo badan dhigeen deegaano kuyaala duleedka magaaladasai.

Maamulka Galmudug ayaa doonaya in awood ciidan kusoo ceshadaan magaalada Guriceel oo gacantooda ka baxday, waxaana jirta cabsi laga qabo in dagaal culus dhax maro ciidamnada huwanta ah iyo kuwa Ahlu Sunna ee dagaalka kala soo horjeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -