Wiil uu dhalay Masuul Soomaaliya xil kasoo qabtay oo loo heesto Dilka Xildhibaan David Amess

Booliiska dalka Britain ayaa shaaciyay magaca wiil Soomaali ah oo loo heesto dil toorey loo adeegsaday oo Jimcihii gudaha kaniisad kutaala deegaanka Leigh-on-Sea ee duleedka nagaalada London loogu geestay Xildhibaan Sir David Amess.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in weerarkan lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay Cali Xarbi Cali oo ah 25-sano jir heesta dhalasgada dalka Britain balse asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya.

Booliiska ayaa ninkan ka qabtay meel ku dhaw goobta uu dilku ka dhacay, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in wiilkan horey uga qeyb galay  barnaamij dowladda UK ay fulisay oo looga hortagayay xagjirnimada.

Warbaahinta dalka Britain kuwooda ugu afka dheer ayaa qoray in wiilkan Soomaaliga ah ee lagu tuhmayo dilka Xildhibaanka uu dhalay masuul horey xilal uga soo qabtay Dowlada Soomaaliya .

Wargeyska Dailymail ayaa qoray in wiilka dilka loo heesto uu dhalay Xarbi Cali Kulane oo soo noqday Agaasimihii Warfaafinta Xafiiska Ra’isul Wasaaraha xukuumadii Cumar Cabdirashiid, waxaana masuulkan markii dambe xilka ka qaaday Xukuumadii Kheyre.

Wiilka dilka geestay waxaa sidoo kale la sheegay in uu adeer u yahay Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Cawaale Cali Kulane, mana jiro wax war ah ay soo saareen waalidiinta dilka wiilkooda lagu tuhmayo.

Booliiska UK ayaana baaritaan kuwada dilka Xildhibaan David Amess, waxa ayna booliiska si gaar ah u baarayaan in dilkan salka ku hayo mid argagaxiso, mana ku jirin wiilkan Soomaaliga dadka Sirdoonka UK diirada u saarnaa ama lagu tuhmayo falal argagaxiso.

Ninkan Soomaaliga ah ee lagu tuhmayo dilka Xildhibaan David Amess ayaana wali lagu soo oogin wax dacwo ah, booliiska ayaana sii wada baaritaanada ninkan la tuhmayo iyadoona la filayo in lagu soo oogo dacwad dil .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -