Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Muqdisho oo qabtay soona bandhigay Shan nin oo dilal kala duwan geestay (Sawirro)

Ciidanka booliiska qeybta gobolka Banaadir howlgalo kala duwan ay ka sameeyeen qaar kamid ah degmooyinka gobolka, waxa ay kusoo qabteen askar siyaabo kala duwan dil ugu geestay dad shacab ah.

Askartan oo katirsanaa ciidanka dowladda ayaa dilal iyo dhibaatooyin kalaba u geestay dad shacab ah, waxa ayna dilalka kaddib isku dayeen in ay ka baxsadaan gacanta laamaha ammaanka oo ugu dambeyn ku guuleestay in ay soo qabtaan.

Qoraal goordhaw kasoo baxay talisa booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ay soo qabteen ilaa shan askari oo ku eedeysan in siyaabo kala duwan magaalada Muqdisho ugu dileen afar muwaadin oo Soomaaliyeed.

Halkan ka akhriso magacyada askarta dilka geesatay iyo dadka ay dileen

1: Eedeysane D/le: XDS Daauud Bashiir Colow oo dil u geestay Marxuum Saciid Cabdi Muuse, dilkaas oo ka dhacay degmada Dharkeynley

2: Eedeysane A/le XDS Cabdiraxmaan Maxamed Cali iyo eedeysane C/qaadir Maxamed Xasan, labadaan eedeysane ayaa dil u geestay Marxuum Aweys Xuseen Jeylani, waxa uu dilkaas ka dhacay degmada Xamar Jajab.

3: Eedeysane Maxamed Cabdi Maxamed waxa uu dil u geestay Cabdullaahi Abuuukar Yuusuf waxa uu dilkaas ka dhacay degmada Dayniile.

4: Eedeysane D/le Yuusuf Cali Macoow waxa uu dil ugeestay Marxuum Maxamed Axmed Nuur dilkaaas aya ka dhacay degmada Hiliwaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xasan Sheekh iyo Xasan Kheyre oo shir xasaasi ah Muqdisho ku yeeshay

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalo Puntland sheegato maamulkeeda (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxkamada ciidamada DF oo saaka toogasho ku fulisay afar nin oo dil ku xukunaa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---