Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Qaabilay Caruurta Eng Maxamed Cumar Saalixi (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah ubadka Marxuum Maxamed Cumar Saalixi oo lafdhabar u ahaa guushii aan ka gaarnay kiiskii dacwadda baddeenna.

Faysal Maxamed Cumar Saalixi, Faadumo Maxamed Cumar Saalixi iyo Ismaaciil Maxamed Cumar Saalixi ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey maamuska uu u sameeyey, iyaga oo xusay ahmiyadda ay u leedahay guusha taariikhiga ah ee aynu ka gaarnay kiiska Dacwadda Baddeenna.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in halyey Maxamed Cumar Saalixi, uu ku suntanyahay baal dahab ah, wadaniyad, dal jacayl iyo ilaalinta hantida Qaranka, waxa uuna tilmaamay doorkii uu ka soo qaatay dowladnimada iyo horumarinta dalkeenna.

Twitter: @TheVillaSomalia

Related posts

Goob Fagaare ah oo lagu toogtay Xasan Cismaan Ibraahim kadib dambi lagu helay

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Safiirka Itoobiya u Jooga Muqdisho oo kulan yeeshay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xabad Joojin KMG ah oo loogu baaqay Ciidamada Itoobiya iyo xoogaga Tigrey

Cabdi Cade
Taboola Ads ---