Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladda Somalia oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweyne Uhuru Kenyatta

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Kenya aysan wax dan ah ugu jirin inuu xumaado xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Hadalka dowlada ayaa ah mid looga jawaabayo hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Kenya Uhuru kenyatta oo ahaa in xukunka Maxkamada ICJ uu sii xumeynayo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya  Bilaal Maxamed Cusmaan, ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeynayso sidii xirirka labada dal uu u noqon lahaa mid wanaagsan, balse haddii Kenya ay diido arintaas ay Soomaaliya u taagan tahay difaaca baddeeda.

“Waxaan aaminsanahay in shacabka iyo dowladda Kenya ay ogyihiin in aysan wax dan ah ugu jirin in uu xumaado xiriirka labada dal, waxaan ka shaqeyn doonaa dhankeenna inuu wanaagsanaado xiriirka labada dal, laakin haddii ay diidaan waxyaabaha ay nabaddu ku hagaageyso, dowladda Soomaaliya waxay ay u taagan tahay oo mas’uuliyadeedu tahay difaaca dadkeeda, dalkeeda, diinteeda iyo biyaheeda,” ayuu yiri Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya  Bilaal Maxamed Cusmaan.

Kenya ayaa si xooggan uga carootay xukunkii Maxkamada ICJ soo saartay ee Somalia lagu siiyey inta badan dhulkuu badeedkii ay sheeganeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney labo maalin kaddib guurkeeda noqotay Garoob iyo dhibka ku dhacay !

Cabdi Cade

(Sawirro) Dalalka Ruushka iyo Ukraine oo boqolaal Maxaabiis ah isweydaarsaday

Caydiid Ali

Wasiiro katirsan Puntland oo caawa xilka laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---