(Sawirro) Dalalka Ruushka iyo Ukraine oo boqolaal Maxaabiis ah isweydaarsaday

Ruushka iyo Ukraine ayaa si lama filaan ah  isu dhaafsaday ku dhowaad ​​300 oo maxaabiis ah, taasoo ah isku daygii ugu weynaa tan iyo duulaanka Moscow ee bilowday ​​7 bilood ka hor.

Is-dhaafsiga maxaabiistaan waxaa heshiiska laga gaaray gacan ka geystay madaxda Sucuudiga iyo Turkiga.

Dadka la sii daayay ayaa waxaa ku jira maxaabiis uu kala dhashay dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Ingiriiska iyo Marooko, kuwaasoo qaarkood lagu xukumay dil toogasho ah kaddib markii laga soo qabtay dalka Ukraine, laguna eedeeyay inay ahaayeen calooshood u shaqeystayaal taageeraya ciidanka Ukraine.

Ruushka ayaa sidoo kale sii daayay ilaa 215 Ukrain ah, oo ay ku jiraan shanta taliye ee hogaaminayey difaaca Ukraine ee magaalada dekadda leh ee Mariupol horaantii sanadkan.

Dhinaca kale, Ukraine waxay dib u celisay 55 Ruush ah, dad Ukraine ah oo taageersan Moscow iyo Viktor Medvedchuk oo ah hoggaamiyaha xisbiga la mamnuucay ee Ruushka taageersan, kaasoo lagu eedeeyay khiyaano qaran.

- Advertisement -