Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Rooble kala hadlay Guddiyada Doorashada Federaalka & kan G/Woqooyi?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo kan doorashada Gobollada Woqooyi (SEIT).

Kulanka intii uu socday ayaa la iska xog wareystay halka ay marayaan howlaha u diyaar garowga doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ku matalaya Somaliland.

Rooble ayaa dhankiisa warbixin ka dhageystay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Gobollada Woqooyi (SEIT) iyagoo warbixin ka siiyay halka ay marayaan howlaha u diyaar garowga doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Somaliland.

Rooble ayaa gudiyada faray iney dardar geliyaan qabashada doorashada xubnaha golaha shacabka, isagoo kula dardaarmay iney si hufan oo cadaalad ah u gutaan waajibaadka loo xilsaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo si kulul u weeraray siyaasiyiinta mucaaradsan DF (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo Xamar ka bilaabay Olole cusub iyo taliska Booliska DF oo ku fashilmay..

Caydiid Ali

Maxkamadda gobolka Banaadir oo amartay in xabsiga lagu sii hayo Antony Thomas

Caydiid Ali
Taboola Ads ---