Milateriga Itoobiya oo xoojiyey dagaalka ay kula jiraan Jabhada TPLF

Milateriga Itoobiya iyo xulafadooda ayaa xoojiyey weerarka ay ku hayaan falaagada Jahbadda Xoraynta Shacabka Tigray ee TPLF iyagoo dhanka cirka ka duqaynaya qeybaha ay ka haystaan gobolka Amxaarada.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa sheegay in ciidamo badan la abaabulayo iyadoo aaggaga jabhaddaasi lagu weerraray madaafiic, diyaarado dagaal iyo kuwa aan duuliyaha lahayn.

Falaagada Jahbadda Xoraynta Shacabka Tigray ee TPLF ayaa mudooyinkanba ku sii siqayey degaano ku yaalla gobolada amxaarada iyo Cafarta.

Toddobaadkii hore ayaa Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed loo dhaariyay xilka muddo -xileed cusub wuxuuna ballan -qaaday inuu si xoog leh ugu istaagi doono difaaca dalka.

Colaadda socota muddo kow iyo tobanka bilood ah ayaa sababtay dhibaato bani’aadamnimo oo qoto dheer iyada oo ku dhawaad ​​laba milyan oo qof ay barokaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -