Wasiirka Arimaga Dibadda Eritrea oo goordhaw gaaray magaalada Hargeya

Waxaa goordhaw magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland gaaray Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arimaha Dibadda Dowlada Eritrea oo halkaas ku tagay booqasho aan horey loo sii shaacin.

Wasiirka Arimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax Maxamed iyo Wafdiga la socday waxaa garoonka magaalada Hargeysa kusoo dhaweeyay Madaxweyne kuxigeenka maamulka Somaliland iyo Wasiiro katirsan maamulkaasi.

Wafdiga ka socday dalka Eritrea ayaa loo galbiyay qasriga Madaxtooyada Somaliland ee kuyaala Hargeysa, waxaana halkaasi kulan gaar ah kula qaadan doonaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Safarka uu ku tagay magaalada Hargeysa Wasiirka Arimaha Dibadda Eritrea ayaa noqoneysa tii ugu horeeso uu halkaasi ku tago masuul sare oo ka socda dalka Eritrea, lamana oga ujeedka safarkan ka leedahay dowlada Eritrea.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -