Allbanaadir.com
NEWS

Weerar culus oo ka dhacay wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar & Wararkii ugu dambeeyey

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle kooxda Alshabaab ayaa weerar Qarax ah ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidamda AMISOM oo ku sii jeeday magaalada Jowhar.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka loo geliyay Kolonyada AMISOM ayaa qabsatay mid ka mida gaadiidka AMISOM oo khasaare xoog leh ay gaarsiiyey, waxaana goobtaasi ay ahayd degaanka Ilbaq oo ku dhow tuulada Haanta Sheekh ee u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar.

Qaraxan ayaa ku soo aaday xili goobtaas ay degan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM iyadoo dhowaan lagu dilay laba xildhibaan oo ka tirsan Hirshabelle.

Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa kadib la sheegay inay xireen wadadda in muddo ah ayna joojiyeen gadiidka, iyadoo ciidamada ay baaritaan iyo socod lug ah ku mareen wadadda.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha nafeed ee ciidamada AMISOM ka soo gaaray qaraxan balse  Al-shabaab ayaa weerarro joogto ka geysata wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney caawa lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Madaale & Xildhibaano ka tirsan BFS oo gaaray degaanka Daaru-nicma (Sawirro)

Caydiid Ali

Turkiga oo Markab dagaal usoo direysa Soomaaliya iyo ujeedka ka dambeeya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---