Allbanaadir.com
NEWS

Ujeedka Safarka Raisul Wasaare ugu ambo baxay dalka Qatar oo la shaaciyay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u dhoofay magaalada Doha ee dalka Qatar maanta ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Xamad Al Thani,

Ujeeddada booqashada Ra’iisul wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa ah sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Qadar.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa inta uu joogo Doha waxa uu kulan la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Khalid Bin Khalifa Bin Cabdulcasiis Althani.

Dowlad Qatar ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya iyadoo hadda ka wadda mashaariic horumarineed oo ay ugu weyn tahay dhisamaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo la dhammeeyay iyo sidoo kale Muqdisho iyo Jowhar ooh hadda ay howsheedu.

Related posts

Al-Bashiir oo kashifay halka ay ka timid Malaayiin dollar oo laga helay hoygiisa

Caydiid Ali

Faahfaahin laga bixiyay weerar askar lagu laayey oo ka dhacay Kenya

Caydiid Ali

Talisyada Milatariga iyo NISA oo la sheegay in ay isku milmeen iyo Walaac laga muujiyay 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---