Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo saakay u duulay Itoobiya iyo ujeedka Safarkiisa oo la shaaciyay

Madaxweynaha dowlada  Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay u safray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Farmaajo iyo wefdiga la socda ayaa magaalada Adis Ababa uga qeyb galaya  xafladda dhismaha Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Itoobiya, kadib markii Ra’isul Wasaare Abiy xisbigiisa ku guuleestay doorashadii dhacday.

Madaxweyne Farmaajo ayaana la filayaa inta dalka Itoobiya joogo kulamo la qaato madaxda dalkaasi gaar ahaan Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo xiriir hoose ka dhaxeeyo kana wada hadlaan arimo iyaga u gaar ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya  in Madaxweyne Farmaajo marka socdoolkiisa Adis Ababa soo dhamaado usii gudbo magaalada Asmara ee dalka Eritrea halkaas ay suurto gal tahay in tababar ugu soo xiro ciidankii loo qaaday dalkaasi dalkana dib loogu soo celiyo qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska Muqdisho oo qabtay askari sabab yaab leh u dilay qof shacab ah

Caydiid Ali

Daawo: Sawir shaki badan dhaliyey oo lagu arkay bogga Wasaarada A/dibeda Itoobiya

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo Magaacabay heerarka kala duwan Garsoorka Hirshabelle (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---