Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Diyaarad Ku Dul Burburtay dhismo xafiis iyo Maalqabeen caan ah oo ku dhintay (Sawirro)

Magaalada Milano ee dalka Talyaaniga waxaa ku bur burtay diyaarad yar ay la socdeen sideed qof, waxa ayna diyaarada ku dul bur burtay dhismo labo dabaq ka kooban oo xafiisyo ahaa kuna yaalay xaafada San Donato .

Diyaarada ayaa bur burtay wax yar kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Linate ee magaalada Milan, waxaana diyaaradan ku dhintay dhamaan rakaabkii saarnaa oo gaarayay ilaa 8-qof.

Dadka diyaarada ku dhintay waxaa kamid ahaa  Dan Petrescu, oo 68 jir ahaa una dhashay dalka Romania kana mid ah dadka ugu hantida badnaa dalkaasi,waxaa sidoo kale shilka ku dhintay xaaska maalqabeenka iyo wiil 30-sano jir ah uu dhalay iyo ilmo yar.

Booliiska magaalada Milano ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameenayaan waxa sababay shilkan, waxa ayna booliiska sheegeen in dhismaha xafiisyada ee Diyaaradu ku bur burtay aysan dad joogin xiliga uu shilku dhacayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Zelensky oo gaaray Mareykanka, lana kulmay dhigisa Joe Biden (Sawirro)

Caydiid Ali

Deni: “Warka dowladu ku sheegtay inuu fashilmay shirka horey ayuu u diyaarsanaa”

Caydiid Ali

Miisaaniyada dowlada ee sanadka 2019-ka oo cod aqlabiyad leh lagu ansixiyay

Cabdi Cade