Guddiga Doorashada oo Shaaciyay in la bilaabayo Doorashada Aqalka Hoose Baaqna diray

Waxaa heer gabo gabo ah maraya Doorashada Xubnaha Aqalka sare ee  Baarlamaanka federaalka Soomaaliya , waxaana inta badan la doortay Senatarada Aqalka Sare iyadoona maamulada qaar ku harsan yihiin xubno tiro yar.

Xubnaha Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed, Puntland iyo Somaliland ayaa dhameestiray, waxaana maamulada kale ee Jubbaland , Galmudug iyo Hirshabelle ku harsan 8-xubnood oo la filayo in ay soo dhameestiraan maalmaha soo socda.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Cirro ayaa ugu baaqay maamulada ay ku harsan yihiin xubnaha Aqalka Sare in si deg deg ah usoo dhameestiraan.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in la guda galayo doorashada Xildhibaanada golaha shacabka uu tilmaamay in ka baaxad weyn tahay mida Aqalka Sare, waxa uuna codsaday in 8-da xubnood ee ka dhiman Aqalka Sare in si deg deg ah loo soo doorto.

“Runtii doorarashooyinka Aqalka sare ee soo bilowday horaantii bisha Agoosto ayaa waxa ay soo martay duruufo adag oo isagu jirey qaar meel dhexaad ahaa iyo kuwo adkaa. Hadda oo ay doorashada Aqalka sare soo gaadhay heer gabogabo ah ayaan ugu baaqayaa in si dedgeg ah loo soo dhameystiro xubnaha 8-da ah ee hadhsan, si aan u gudagalno doorashada xubnaha Golaha Shacabka oo runtii ka baaxad weyn Aqalka sare, islamarkaana ka hawl adag” ayuu yiri Gudoomiye Cirro.

Gudoomiye Cirro ayaa sheegay in loo baahanyahay in aad loo adkeeyo meelmarinta heshiisyadii la gaaray, isaga oo xusay in muhiim tahay  in la xusuusnaado danta umadda Soomaaliyeed iyo wadajirkeeda lana qabto doorasho xalaal ah oo hufan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -