Sheekh Shaakir oo ka hadlay Xiisada ka taagan Galmudug iyo abaabulka ay wadaan

Ciidamo daacad u ah kooxda Ahlu Sunna ayaa shalay la wareegay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxa ayna ciidankan hada wadaan dhaq dhaqaaqyo kale ay ku doonayaan in ay kula wareegaan deegaano kale oo horey gacantooda uga baxay.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hogaanka sare ee kooxda Ahlu Sunna ayaa ku eedeeyay maamulka Galmudug in weerar kusoo qaadeen deegaano ay joogaan halkii laga rabay in ay weerar ku qaadaan Al Shabaab .

Wuxuu sheegay Sheekh Shaakir in ujeedkooda ugu weyn ee ay u joogaan gobolka Galgaduud uu yahay la dagaallanka Al-Shabaab iyo in la hagaajiyo wixii ka khaldan sida uu sheegay maamulka Galmudug.

Sheekh Shaakir ayaa beeniyay in ay duulaan yihiin ayna kasoo horjeedaan jiritaanka maamulka Madaxweyne Qoor Qoor, waxa uuna cadeeyay in ay doonayaan in Al Shabaab la dagaalamaan sida uu tilmaamay.

Hogaanka Ahlu Sunna oo mudo ka maqnaa deegaanada Galmudug ayaa dhawaan halkasai dib ugu laabtay, waxa ayna durba bilaabeen abaabul ay ku doonayaan in mar kale dib ula wareegaan deegaanadii horey looga saaray maamulkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -