Itoobiya oo dalkeeda ka ceyrisay todobo ka tirsan shaqaalaha QM (Sababta)

Itoobiya ayaa ilaa todoba howlwadeen oo ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay ka ceyrisay dalkaas ka dib markii loo jaray warqada (Persona non Grata)

Xukuumada  Itoobiya ayaa ku eedeysay dadkan inay faraha la galeen arrimaha gudaha dalkeeda, sida lagu sheegay War rasmi ah oo kasoo baxay Xukuumada RW Abiy Ahmed.

Todobada qof waxaa ku jira nin Soomaali ah oo la yiraahdo Siciid Maxamuud Xersi, kaasoo ah Isu Duwaha Howlaha Aadminnimada ee QM ugu qaybsan Itoobiya.

Dowlada Itoobiya ayaa ugu dambayn u qabatay dadkan inay 24 saac uga baxaan dalkaas, waxaana talaabadaas aan weli wax jawaab ah ka bixin Qaramada Midoobay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA ITOOBIYA IYO MAGACYADA RAGGA LA ERYEY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

.

- Advertisement -