Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Guudlaawe oo xilkii ka qaaday Gudoomiyihii G/Hiiraan, mid cusubna ku bedelay

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo isbeddel ku sameeyay hoggaanka sarre ee maamulka gobalka Hiiraan ee Dowladda Hirshabeelle.

Wareegto ka soo baxday Cali Guudlaawe ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii gobolka Hiiraan, iyadoo isla wareegtada lagu magacaabay gudoomiye cusub

Talaabadan uu qaaday Cali Guudlaawe ayaa ku soo aadeysa xili masuuliyiin iyo ciidamo ka tirsan maamulka Hirshabelle ee goboolka Hiiraan dhowaan dagaal looga saaray magaalada Baladweyne ka dib dagaal ay la galeen ciidamo taabacsan Cali Jeyte Cisman oo ah la taliyaha Madaxweyne Xassan Shiikh ee arrimaha ciidamada Macawisleyda, sidoo kale sheegta Madaxweynaha maamul la baxay Hiiraan state.

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo xaliyay Tabashooyin ay qabeen madax katirsan Galmudug iyo Jubbaland

Cabdi Cade

Dil ka dhax dhacay gudaha Saldhiga Booliiska Dhuusomareeb iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Maxaa ka jira In saraakiil ka tirsan NISA ay ku lug leeyihiin Dagaalka ka socda Boosaaso?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---