Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xubno ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal qorsheysan

Ciidamada Millateriga. Booliiska gaarka ah ee Haramcad iyo Ciidanka NISA ayaa howlgal wadajir ah ka fuliyay tuulooyin ka tirsan gobolka Sh/hoose.

howlgalada waxaa si gaar ah looga fuliyey degaanada Laanqeyrta, Tokyo, Ceel-Jaalle, Beerta Cali Mahdi, Boolo Fooliyo iyo qaar kale oo dhamaantood ku yaalla hareeraha Wabiga Shabelle.

Saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa ayaa waxay sheegeen in goobaha qaar howlgalada laga fuliyay ay ku yaalleen Maxkamado ay lahaayeen Al-Shabaab oo la burburiyey.

Sidoo kale Saraakiishu waxay sheegeen in howlgalka lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo dhibaateyn jiray dadka ku nool degaannada howlgalka laga fuliyay.

Saraakiishu ma sheegin tirada dagaalyahanada ay dileen, balse waxay xuseen in howlgaladaas ay dhamaantood guul ku soo dhamaadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye Asad Diyaano oo kulan muhiim ah la qaatay Kestitis Lancinskas

Cabdi Cade

Jen. Biixi oo ka hadlay muhiimada ay Al-Shabaab u laheyd degaanka Budbud

Caydiid Ali

Daawo:-Maxaa Xiligaan ku soo aadiyay in Madaxweyne Farmaajo bixiyayo abaal marino iyo Shahaado Sharaf !!

admin
Taboola Ads ---