Dowlada Soomaalia oo Dhax dhaxaadineysa Madaxda is khilaafsan ee Galmudug

Warar lagu kasoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay wado dadaalo xoogan ay ku dooneyso in ay ku dhax dhaxaadiso Madaxda is khilaafsan ee maamulka Galmudug.

Wasaarada Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe waday dadaalo ay ku dooneysay in ay ku kulansiiso Madaxda ugu sareysa ee maamulka Galmudug oo hada khilaaf u dhaxeeyo kuna kala sugan Dhuuso Mareeb iyo Cadaado.

Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa mar kale qoraalo u kala dirtay Madaxda is khilaafsan ee maamulka Galmudug, waxa ayna Wasaarada ka codsatay Madaxda Galmudug in ay isugu yimaadaan kulan lagu dhax dhaxaadinayo oo Muqdisho ka dhacaya.

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxda Galmudug ee labada garab u kala jabay ayaa aqbalay in ay isugu yimaadaan magaalada Muqdisho kana wada hadlaan khilaafka u dhaxeeya iyo sida xal looga gaari karo.

Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale hakad galisay qorshe uu Madaxweyne Xaaf ku doonayay in  uu ku magacaabo Golle Wasiiro, waxa ay sidoo kale dowlada hakisay kulamo Baarkamaanka Galmudug Cadaado ku yeelan lahaayeen.

Khilaafka Madaxda Galmudug ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Xaaf uu meesha ka saaray qodobo kamid ah Dastuurka maamulkaasi u qornaa, waxa ay sidoo kale xiisada ka dhalatay Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna oo sidii loogu heshiiyay aan loo dhaqan galin.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo Madaxa Xukuumada maamulkaasi oo xulufo ah ayaa hada waxaa xarun u ah magaalada Dhuuso Mareeb ,halka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo iyana isbaheysi ah ay joogaan Cadaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -