Rooble oo War ka soo saaray lix Senator oo maanta lagu doortay Muqdisho

Raisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray xubnaha ku guuleystay doorashada Golaha Aqalka Sare ee BFS ku matalaya gobollada Waqooyi (Somaliland)

“Waxaan hambalyo u dirayaa Senaterrada maanta ku guuleystay doorashada Golaha Aqalka Sare ee BFS ku matalaya gobollada Waqooyi” ayuu yiri Rooble oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa facebook.

Rooble ayaa ku ammaanay ergada iyo guddiyada maamulka doorashada sida xilkasnimada leh ee ay howsha u maamuleen, isagoo u rajeeyey in doorashadu ku dhammaato si nabdoon oo hufan.

Lix kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Soomaaliya ee kasoo galaya Somalilanad ayaa maanta lagu doortay Muqdisho, ayada oo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, guddoomiyaha Aqalka Sare uu noqday Senator-kii ugu horreeyayay ee la doortay kadib markii uu u tanaasulay musharraxii la tartamayay oo ahaa Siciid Cumar Xuseen.

Guddoomiyaha guddiga doorashada gobollada Waqooyi Khadar Xariir Xuseen ayaa ergada u gudbiyay inay si gaca ntaag ah ugu codeeyaan, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaana ansixiyay 44, halka laba ka mid ah ka aamuseen, waxaana natiijadani ka dhigantahay in mar kale dib loo doortay Cabdi Xaashi oo afartii sano ee la soo dhaafa ahaa gudoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka Dastuurka Soomalaiya Saalax Axmed Jaamac ayaa ku guuleystay Kursiga 2-aad, isaga oo helay 29, halka Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare eee Soomaaliya Ibrahim Iidle Suleymaan oo la tartamay uu helay 12 cod.

Dhinaca kale, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku guuleystay kursiga saddexaad, isaga oo ka guuleystay Prof. Maxamed Maxamuud Allabari iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali oo la tartamay.

Cabdiraxmaan Cismaan Cali ayaa ku haray wareegga koowaad, waxaana Wareega labaad isugu haray Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, ayada Prof Samatar uu ku guuleystay 25 cod, halka Allabari uu helay 21 Cod.

Kursiga afaraad ayaa waxaa ku guuleystay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbeooka adkaaday Cabdikariin Maxamed Xasan, isaga oo helay 28 cod, halka uu Cabdikariin Maxamed Xasan helay 17 cod, iyadoo labada kursi ee kale ay ku kala guuleysteen Layla Axmed Ismaaciil iyo Bilaal Idiris Cabdullaahi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -