Maxaa ka dhalan kara go’aanada aan laga fiirsan ee Wasiirka amniga Somalia?

Wasiirka Amniga Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa wajahaya dhaliilo culus iyo weji gabax ka dhashay warqadihii is xig xigay ee uu soo saaray taasoo ay ugu danbeysay labadii warqadood ee soo kala saaray   shalay ee ah aheyd  in ciidanka NISA ay amniga garoonka Aadan cadde ku wareejiyaan Booliska Somalia.

Markii ay soo baxday fariintan ayaa waxaa hal mar ay qeylo dhaan xooggan ka soo yeertay xubnaha beesha caalamka ee degan xerada Xalane ee ku dhex taalla garoonka Aadan cadde, maadaama ciidanka NISA ee dharcadka ay yihiin kuwa Isha ku haya Shabaabka Ajnabiga ah ee soo galaya dalka, kuwa baxaya iyo sidoo kale xubnaha kale.

Sidoo kale Ciidamada NISA ee dharcadka oo ah kuwa aad ugu tababaran howlahooda  ayaa Garoonka Aadan Cade ka ilaaliya in ay soo galaan ama ka baxaqn Lacagaha sharcidarada ah ee ay Argagixisada adeegsadaan iyo waxkasta oo halis ku ah amniga.

Ciidamada Booliiska iyo kuwa nabad sugida ayaa iyagu ka howlgala Garoonka Aadan Cade dal walba oo Caalamka ah sidaas oo kale ayey madaaradooda  diyaaradaha u wada joogaan  Ciidamo nabad sugid dhar cad ah iyo ciidamo Booliis ah .

Warqada wasiirka ayaa loo arkay in dano shaqsi uu ka leeyahay Garoonka Aadan Cadde oo ah meel aad uu uga muuqdo nidaam iyo xasilooni waafi ah .

Haddii uu dhaqan galo go’aankan waxaa la rumeysan yahay in cidna aysan ku hari doonin xeyndaabka Garoonka Aadan cadde oo ay degan yihiin safaarado u badan kuwa reer galbeedka iyo xubnaha beesha caalamka, qatar amnina ay soo wajaheyso madaama uu rabo wasiirka in uu geeyo Ciidamo gaar ah uu rabo in uu u labiso dareenka ciidanka.

Go’aanka Wasiirka amniga ayaa u muuqda mid aan laga fiirsan oo si cad iskaga horkeenaya RW Rooble iyo beesha caalamka maadaama talaabadan ay saameyn adag ku yeelaneyso amnigooda.

Talaabadan ayaa waxay kaloo dhalin kartaa in Rooble iyo saaxibadiis loo arko inay ku mashquulsan yihiin rag iska celin, halkii la rabay iney ka shaqeeyaan turxaan bixinta iyo qabsoomida doorashada.

Ciidamada NISA ee ka howlgala Garoonka Aadan Cade iyo Taliyahooda Khadar ayaa horey loogu bogaadiyey howlgalkii ay gacanta ku dhigeen Diyaaradihii Darooniska ahaa ee qatarta amniga ku ahaa taasoo ay gacanta ku dhigeen.

Ugu danbayntii Wasiirka amniga Xukuumada Rooble ayaa markan u muuqday nin dhabarka ka jabinaya RW Rooble una tusaya Beesha Caalamka in Rooble qas iyo nidaam la dirir uu u kabo gashtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -