Beesha Abakar oo isku raacday in Xuseen Max’ed Nuur la siiyo Kursiga Xildhibaanimo

Waxgaradka, Aqoonyahanada, Dhalinayarada & qeybaha bulshada  Beesha Abakar ee Murusade ayaa isku raacay in sanadkan Kursiga Xildhibaanimo ee Beesha la siiyo Guddoomiye ku-xigeenkii hore Maaliyadda Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur.

Xubnahan ayaa sheegay in Xuseen Maxamed Nuur uu yahay shaqsi u qalma kursiga xildhibaanimo ee beeshu ku leedahay golaha shacabka Somalia, ayna go’aansadeen inuu ku metelo Baarlamanka Somalia.

“Waa shaqsi wax badan u soo qabtay beesha iyo guud ahaan shacabka Muqdisho mudadii gaabneyd ee uu ahaa guddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir, waa nin wadani ah oo ku sifoobay, karti iyo hufnaan, sidaas awgeed ayaa waxaan go’aansanay inaan sanadkan siino kursiga xildhibaanimo ee beesha” sidaas waxaa yiri qaar ka mid ah Waxgaradka beesha Abakar.

Waxay u digeen shaqsiyaad caado qaatayaal ah oo beesha ka tirsan kuwaasoo hunguri uga jiro iney helaan kursiga ay ku leedahay golaha shacabka.

“Shaqsiyaadka daneystayaal ah oo hunguriga uga jiro iney helaan kursiga beesha, weligoodna aysan jirin waxay u qabteen ummadooda, waxaan leenahay raali ahaada iimaanka ILAAHAY ha idin geliyo” ayuu yiri mid ka mid ah nabadoona beesha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -