Allbanaadir.com
NEWS

Dacwad ka dhan ah Jawaari oo loo gudbinayo Hay’adaha Garsoorka dalka

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka careesan ciidamadii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari arbacadii kula wareegay xarunta Baarlamaanka ayaa sheegay in dacwad ka dhan ah u gudbinayaan Hay’adaha Garsoorka dalka.

Xildhibaan Daahir Amiin  Jeesow ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka  in uu la mid yahay isagoo laayay dhammaan Xildhibaanada Baarlamaanka Bacdamaa uu xusay in Ciidan hubeysan uu gudaha ula galay lana wareegay xarunta Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay Jeesow in habdhaqankaasi uu sameeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka aan looga hari doonin, waxa uuna cadeeyay Dacwad arintaasi ka dhan ah in ay u gudbinayaan Hay’adaha Garsoorka dalka.

Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in falkii uu dhawaan sameeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka in aysan sameyn xitaa Hogaamiyo kooxeedyadii dalka xooga ku heestay aadna u hubeesnaa.

” Gudoomiye Jawaari aan ku ogeyn xilkasnimo iyo odaynimo falkii uu sameeyay waxa ay aheyd mid laga xumaado, sida uu Arbacadii Jawaari u dhaqmay xitaa uma aysan dhaqmin Hogaamiyo kooxeedyadii xili maamuli jiray Muqdisho” Ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arbacii xarunta Baarlamaanka xoog kula galay Ciidamo badan oo aad u hubeesan, waxaana falkaasi uu sabab u noqday in uu baaqdo kulankii Baarlamaanka yeelan lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Karaash oo Magacaabay guddi Wasiiro u badan oo ka kooban 7 xubnood (Ujeedada)

Caydiid Ali

Daawo Video: Dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee arrimaha Soomaaliya

admin

Madaxweyne Farmaajo oo ka Tacsiyadeeyay Geerida Ugaas Xasan Ugaas Khaliif

Cabdi Cade
Taboola Ads ---