Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxaya Addis Ababa iyo Xog ku aadan ujeedada safarkiisa

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 21-ka bishan Magaaladda Addis-ababa lagu wadaa inuu uga qeybgalo shir aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan madaxda waddamada IGAD|.

Warar laga helayo  ilo lagu kalsoon yahay  ayaa sheegaya in casuumaddii shirka ay soo gaartay Madaxweynaha Soomaaliya, lana filayo in wafdi uu hoggaaminayo ay gaaraan Addis-ababa khamiista soo socota.

Shirkan IGAD oo ka baxsan shirarkoodii caadiga ahaa ayaa waxaa looga hadli doonaa xasaradaha ka taagan dalka Koonfurta Suudaan, kadib markii ay markale is faham la’aan soo dhex gashay dowladda Sudan iyo mucaaradka.

Hogaamiyeyaasha Urur goboleedka IGAD ayaa qatar xoog leh u arka xaaladda hadda ka taagan Koonfurta Sudan oo haddii la xalin waayo keeni karta dagaalo cusub oo dalkaas ka dhaca, si taas looga hortago ayaa shirkan waxaa la rajeynayaa inay kasoo baxaan qodobo muhiim u ah oo lagu heshiisiinayo mucaaradka iyo dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed oo bayaan ka kooban 10 qodob kasoo saaray Xiisada ka taagan Baydhabo

Cabdi Cade

Wasiir Fiqi & taliyeyaal ciidan oo la hadlay Maleeshiyaad loo diyaariyey dagaalka Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxda Galmudug iyo Hirshabelle oo booqasho ku tagay Hoyga Sheekh Shariif (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---