Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha Aqalka sare oo muddo saacado ah lagu xanibay garoonka Aadan cadde & caro ka dhalatay

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa la sheegay in manta muddo saacado lagu xayiray garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kadib markii ay hor istaageen ciidamada AMISOM.

Wararka laga helayo Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ilaalada garoonka ay muddo saacaddo ah xayireen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo Garoonka u tegay inuu dalka ka dhoofo.

Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin dadaal u galay arrintan ayaa markii danbe ku guuleystay inay fasaxaan guddoomiyaha Aqalka sare.

Arrintan ayaa dhalisay inay si weyn uga caroodaan xildhibaannda aqalka sare oo kulan degdeg ah ka yeeshay, iyagoo cambareeyay falka lagula kacay guddoomiyaha Aqalka sare.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ka dalbaday ciidamada AMISOM inay jawaab degdeg ah ay ka bixiyaan falka lagu xanibay Gudoomiyaha Aqalka Sare oo illaa hadda aan la ogeyn sababta ka dambeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xassan Shiikh oo gaaray Asmara, si diirana loo soo dhoweeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Askar Itoobiyaan ah oo la sheegay in lagu qabtay dagaalkii Kaxandhaale (Akhriso)

Caydiid Ali

Saraakiil katirsan booliiska Soomaaliya oo lagu xiray magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---