Gaadiid uu la socday Wasiirka Qorsheynta DF oo lagu xanibay duleedka Garoowe

Gaadiid uu la socday Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa lagu celiyay duleedka magaalada Garowe ee caasimada Puntland

Ciidamo ku sugnaa Kontrolka woqooyi ee magalada Garowe ayaa u diiday wasiirka inuu gudaha magaalada la galo Ilaalo la socotay oo amnigiisa sugeysay kuwaasoo kala yimid degmada Dhahar oo uu ka soo jeedo.

Wasiirka ayaa markii dambe gudaha u galay Garowe, kaddib markii laga reebay Ilaaladii la socotay, isagoo muddo saacad ku dhow ku xanibnaa duleedka magaalada Garowe.

Is hortaagan ayaa la xiriiray Ilaalo uu watay Wasiirka oo loo diiday inay gudaha u galaan Garowe, waxaana intii muranka taagnaa Wasaaradda Amniga Puntland soo saartay amar lagu joojinayo in aan la isticmaali karin Gaadiid ciidan iyo ilaalo.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somalia Cabdi Faarax Juxa ayaa dhaliilay talaabada ay qaaday Puntland.

“Waayeelnimo, dulqaad iyo qaangaarnimo siyaasadeed halla muujo:Wasiir Jamal Xasan waa inuu si xorriyad ah ugu dhex socaa Puntland, ololihiisana u wataa. Waa in Dawladda iyo dadka reer Puntland ka fogaadaan wax kasta oo xasaasiyad bulsho iyo mid siyaasadeed abuuri kara. Hadallada xanafta leh siyaasiyiintu waa inay ka fogaadaan oo kala damaynta iyo sharcigana ilaaliyaan.Doorashadu way dhamaanaysaa, dadka iyo Puntland-se waa jirayaan, ee aan dhammaanteen isu-turro oo isu-tanaasullo” ayuu yiri Juxa oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshada.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo saaxiib dhow la ah Farmaajo ayaa dhinaca kale waxaa uu khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyaa Madaxweyne Deni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -