Golaha Midowga Musharaxiinta oo soo saaray War Cusub oo Xasaasi ah (Akhriso)

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay golaha Midowga Musharaxiinta ayaa looga hadlay fashilka mar kale ku yimid xalinta  khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Musharaxiinta ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble sameeyay tanaasul badan si loo xaliyo khilaafka taagan, waxa ayna ku eedeeyeen Madaxweyne Farmaajo in caqabad ku noqday wadahadalka iyo in xal laga gaaro khilaafka taagan.

Waxa ay ugu baaqeen Musharaxiinta Ra’isul Wasaare Rooble in uu dar dargaliyo qabsoomida  doorashada gacantana ku dhigo amniga dalka, waxa ay sidoo kale ugu baaqeen in uusan gor gortan ka gelin heshiiskii 27-dii May.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Musharaxiinta 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -