Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wado Muhiim ah oo kutaala Muqdisho oo Dib u dhis lagu sameenayo (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray wadada xiriirisa xarunta Beerta Nabada ilaa isbitaalka Martiini oo kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee burbursan.
Wadadan oo si weyn u bur bursan ayaa maamulka gobolka Banaadir dhawaan ka fulin doonaa mashruuc dib loogu dhisayo, si isticmaalkeeda ay uga faa’ideestaan bulshada iyo gaadiidka isticmaala.
 
Inta uu kormeerka socday ayaa Gudoomiye Cumar Filish waxa uu faray maamulada degmooyinka Xamar Jajab iyo Xamar Weyne in ay qaataan kaalintooda ku aadan fududeenta dhismaha wadadaasi isagoo dhanka kale ka dhageestay warbixina quseeya caqabadaha jira.
 
Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa horey u balan qaaday in maamulkiisa uu xooga saari doono dhismaha wadooyinka Caasimadda si kor loogu qaado bilicda iyo fududeenta isku socodka magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar ay dhashay Ilhan Cumar oo Mareykanka lagu xiray iyo Sababta oo la ogaaday

Cabdi Cade

Safiirka USA ee Somalia oo beeniyey war uu qoray Wargeys Itoobiyaan ah

Caydiid Ali

Xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiye ku-xigeenka guddiga Doorashooyinka Qaranka (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---