Allbanaadir.com
NEWS

Fal dil ah oo maanta ka dhacay Muqdisho iyo ciidamada amniga oo xiray qofkii geystay

Askari ka tirsan ciidamada Nabad suggida ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxaa uu ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Ilaalada Wadooyinka.

Dilkan ayaa ka dhacay degmada Hodon, waxaana la dilay Askariga xilli uu ku howlanaa kala hagida Gawaarida Wadada Mareysa.

Askarigan ayaa rasaas bareer ah ku furay askariga kale oo taraafikada ahaa taasoo keentay inuu isla goobtaas ku geeriyoodo.

Ciidamada Ammaanka ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay gacanta ku dhigeen Askarigii dilka geystay oo haatan ku jira xabsiga.

Lama oga sababta uu askarigan u dilay askariga kale balse goob joogayaal ayaa sheegaya in dilka ka hor uu labada nin dhexmaray muran aan la ogeyn waxa uu salka ku hayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiisada Kenya & DF oo weji cusub yeelatay & Rooble oo qaran dumis ku tilmaamay..

Caydiid Ali

Waqti dheeraad ah oo lagu daray Diiwaan Galinta Musharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland

Cabdi Cade

Mooshin ka dhan ah Canshuurta VAT oo loo gudbiyey Golaha Shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---