Waqti dheeraad ah oo lagu daray Diiwaan Galinta Musharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland

Guddiga Doorashooyinka ee maamulka Jubbaland ayaa waqti kordhin u sameeyay xiliga diiwaangalinta Musharaxiinta xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo maanta oo sabti ah ku ekeyd.

Qoraal kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa lagu sheegay in xiliga diiwaan galinta Musharaxiinta lagu daray afar maalin oo dheeraad ah si fursad loogu siiyo Musharaxiinta aan wali isdiiwaan galin.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo musharaxiin tiro yar ayaa si rasmi ah isku diiwaan galiyay, waxaana Musharaxiinta badankood wali yihiin kuwa aan isdiiwaan galin iyagoona ka walaacsan dhax dhaxaadnimada Guddiga doorashooyinka.

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -