Faransiiska oo beeniyay warar lagu baahiyey Wargeysyada Yurub qaarkood

Dowlada France ayaa beenisay warbixin maanta lagu daabacay wargeyska Britain ee Daily Telegraph oo sheegeysay inay kursigeeda joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee QM ay ku wareejineyso Midowga Yurub.

Daily Telegraph oo soo xiganaya xubin ka tirsan baarlamanka Yurub ayaa sheegay in France ay ka fakari doonto in kursigaas ay ku beddelato in dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ay taageeraan dhismaha Ciidan Yurub ah, iyo isbeddel lagu sameeyo habka ururka u diyaariyo siyaasaddiisa arrimaha dibedda.

Faransiiska ayaa muddo dadaal ugu jiray in Midowga Yurub uu yeesho ciidan u gaar ah, oo loo diri karo goobaha dagaalka, hase yeeshee qorshahaas ayaa waxaa diidan dalal badan oo xubno ka ah ururka.

“Waxaan si rasmi ah u beenineynaa arrintan. Kursiga waa keena, wuxuuna ahaan doonaa sidaas,” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay madaxtooyada Fanarsiiska.

“Waxaan Midowga Yurub ula shaqeyneynaa sida ugu badan uguna macquulsan, iyo si madax-banaani ah,” ayuu yiri afhayeenka.

France ayaa ah mid ka mid ah shan dal oo xubno joogto ka ah Golaha Ammaanka ee QM, ayada oo afarta dal ay kala yihiin Britain, China, Russia iyo Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -