Safiirka Itoobiya ee Somalia oo tagay Baydhabo, lana kulmay Laftagareen (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyadda ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Safiirka Dowlada Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amp Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi.
Kulankan dhax maray Madaxweyne Lafta Gareen iyo safiirka dowlada Itoobiya u jooga Soomaaliya ayaa looga hadlay arimaha doorashooyinka dalka , amaanka iyo sidoo kale xiriirka ka dhaxeeya Itoobiya iyo Koonfur Galbeed.
Sida aan Wararka ku helnay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa safiirka si hoose uga wada hadleen sidii ciidamada Itoobiya gacan uga geesan lahaayeen sugida amaanka magaalada Baydhabo ka ay ka dhacayaan doorashooyin.
Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa ku sugan deegaano iyo degmooyin katirsan Koonfur Galbeed, waxa ayna ciidamada gacan siiyaan ciidamada dowlada iyo kuwa Koonfur Galbeed ee dagaalka kula jira Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -