Dayuurada Turkish Airlines oo ku xaniban Jabuuti iyo Fahad Yaasiin oo la socda

Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya dalka Djibouti dayuuradda Turkish Airlines oo saaka Muqdisho ku soo wajahneyd ay ku xayiran tahay garoonka magaalada Djibouti muddo saacadahood.

Dayuuradda oo xalay kowdii habeennimo kasoo ambabaxday magaalada Istanbul, ayaa waxa saaran Taliyihii Hore ee Nabad Sugidda, Fahad Yasin oo kuu soo wajahan  socda magaalada Muqdisho.

“Muddo  saacado ah ayaa rakaabka loo sheegayay in ay cillad jirto markii dambena lagu wargeliyay in la sugayo hawlgal Xamar ka socda” ayuu yiri mid ka mid ah rakaabka la socda dayuuradaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sababta dayuuradda Turkish ugu hakatay Garoonka Jabuuti ay tahay qalalaase laga cabsi qabo inuu garoonka ka dhaco, iyadoo Maamulka Shirkadda Turkish loo sheegay ciidan taageersan Fahad Yaasiin ay soo galeen gudaha Garoonka Muqdisho.

Ciidamada booliiska Djibouti ayaa lagu soo warramayaa inay dayaaradda Turkish Airlines ka dejiyeen Fahad Yasin.

Wararka Jabuuti ka imanaya ayaa sheegaya in Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin uu Maanta duhurkii Jabuuti ka soo raacayo Diyaaradda Qatar Airways oo ku soo socota Xamar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -