Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dil Goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo ninkii ka Dambeeyay oo la qabtay

Askari katirsanaa ciidanka dowlada Soomaaliya oo ilaalo ka ahaa Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisgo ayaa goordhaw dil u geestay nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ku shaqeesanayay Mooto Bajaaj.

Sida aan wararka ku helnay dilka ayaa ka dhacay afaafka hore ee Isbitaalka Banaadir, waxaana goobjoogayaal ku warameen in askariga dilka geestay iyo ninka la dilay uu dhax maray muran.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa la sheegay in ay gaareen goobta uu dilku ka dhacay, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ciidanka booliiska gacanta ku dhigeen askarigii dilka geestay.

Dilalka ciidanka dowlada Soomaaliya u geesanayaan dhalinyarada ku shaqesata Mooto bajaajta ayaa mudooyinkan dambe sii kordhayay, dowlada ayaana wali ku guuleesan in ay wax ka qabato dilalka bareerka ay ciidankeeda u geestaan shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daryanka rasaasta iyo Madaafiicda oo mar kale laga maqlayo Laascaanod

Caydiid Ali

Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Xasan oo baaqday iyo Xukuumadda oo ka hadashay

Cabdi Cade

Uhuru Kenyatta oo Sabab u noqday in UU dib u dhaco Wadahadalada Dowladda Itoobiya iyo TPLF

Cabdi Cade
Taboola Ads ---