Allbanaadir.com
NEWS

Xabaal wadareedyo lagu aasay boqolaal qof oo laga helay gobolka Rakhine (Daawo Sawirro)

Dowladda Myanmar ayaa ku gacan seeray wararka sheegaya in tiro xabaal wadareedyo ah laga helay tuulo ku taalla gobolka Rakhine, halkaasoo hoy u ah inta badan qowmiyada laga tirada badan yahay ee muslimiinta Rohingya ah.

Saraakiishu dowladdu waxay sheegeen inay baaritaan ka sameeyeen tuullada Gu Dar Pyin, halkaasoo Wakaalada wararka AP ay ku sheegtay inay ku soo aragtay cadeymo muujinaya xasuuq loo geystay sanadkii la soo dhaafay ku dhawaad 400 oo qof oo muslimiinta Rohingya ah.

Saraakiisha waddankaasi Burma ayaa sheegay in wararka la xiriira xabaal wadareedyo shanta ah oo aan horey loo sheegin ay tahay warbixin qalad ah.

Waxa ay sheegeen in koox mintidiin ah ay soo weerareen ciidamadda ammaanka, balse laga dilay 19 ka mid ah dagaalyahanadii weerarka soo qaaday kaddibna halkaasi lagu aasay, hase ahaatee AP oo wareysatay dad magacooda ka gaabsaday oo degaanka ku nool ayaa sheegay in dadkaas ay ahaayeen shacan si bareer ah loo xasuuqay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xamse Barre oo ka hadlay Ahmiyadda ay leedahay in ay is kaashadaan South Kuuriya iyo Afrika

Cabdi Cade

Mucaaradka oo Booliska DF ku soo celiyey gaari lagala goostay iyo Muuse Suudi oo..

Caydiid Ali

Wafdi Mareykan ah oo arrin xasaasi ah u yimid Muqdisho

Caydiid Ali