Ra’isul Wasaare lagu soo oogayo dilka Madaxweynihiisa iyo Xanibaad lagu soo rogay

Ra’isul Wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry, ayaa lagu tuhmayaa in uu ku lug lahaa dilkii loo geestay Madaxweynaha dalkaasi Jovenel Moise, waxaana hada lagu wadaa in lagu soo oogo Ra’isul Wasaaraha dacwad ku aadan dilkaasi.

Dacwad-oogaha guud ee Haiti ayaa ka dalbaday garsooraha gacanta ku haya kiiska dilkii madaxweynihi hore ee dalka Haiti Jovenel Moise inuu Ra’isul Wasaaraha dalkaasi Ariel Henry kusoo oogo dacwad ah ku lug lahaashaha khaarijinti madaxweynahii Haiti.

Baaritaan lagu sameeyay telefoonka Ra’isul Wasaaraha Haiti ayaa muujiyay, in laba jeer uu la hadlay nin ka mid ah eedeysanayaasha habeenki 7-da bishii July oo aheyd marki uu dhacay shiqroolkii lagu dilay madaxweyne Moise.

Ra’isul Wasaaraha Haiti qofka la tuhmayo uu xariirka la sameeyay xiliga la dilay Madaxweyne Jovenel Mise ayaa ahaa sare oo ka tirsanaa waaxda caddaaladda, kaas oo uu Ra’isul Wasaaruhu si cad uga difaacay in la xiro kahor inta uusan baxsan.

Dilka Madaxweynaha dalka Haiti oo ka dhax dhacay gurigiisa waxaa fuliyay koox calooshood u shaqeestayaal u dhashay dalka Colombia iyo rag kale oo kasoo jeeda dalka Hiati balse heesta dhalashada Mareykanka kuwaa oo qaarkood lasoo qabtay lana xiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -