Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Muuse Suudi oo mar kale loo doortay Senator ka tirsan Aqalka sare ee Somalia

Guddiga doorashada Baarlamanka Hirshabele ayaa shaaciyey natiijada kursigii ugu horeeyey ee ka mid ah kuraasta aqalka sare ee laga soo doorto Hirshabelle kaasoo ay wareegii ugu dambeeyey ku tartameen labada Musharax ee kala ah Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo Axmed Xasan Caddow Daaci.

Guddiga ayaa sheegay in Senator Muuse Suudi Yalaxow  mar kale loo doortay inuu noqdo Senator ka tirsan Aqalka Sare afarta sano ee socota.

Muuse Suudi oo helay codad gaaraya (55) ayaa ka guuleystay musharaxii la tartamayey ee Axmed Xasan Caddow Daaci kaasoo isna helay(43), iyadoo kursigan uu ahaa kan ugu adag doorashada Hirshabelle.

Axmed Xasan Caddow Daaci ayaa markii lagu dhawaaay natiijada ka dib ka hadlay goobta isagoo sheegay inuu ku qanacsan yahay natiijada lagu dhawaaqay, wuxuuna u hambalyeeyey Muuse Suudi oo ahaa Musharaxii ka guuleystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/HIi7RlKMJw0

 

Related posts

Maxaa kasoo baxay kulan Caawa dhax maray Qoor Qoor iyo Midowga Musharaxiinta ?

Cabdi Cade

Trump oo soo bandhigay Naqshada cusub ee Diyaaradaha Air Force One (Daaw Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaano badan oo shaaciyay in dhibaato badan kala kulmaan ciidamada Ammaanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---