Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa kasoo baxay kulan Caawa dhax maray Qoor Qoor iyo Midowga Musharaxiinta ?

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu soo waramayaa in caawa Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay Midowga Musharaxiinta .

Sida aan wararka ku helnay Madaxweynaha Galmudug ayaa kulan albaabada u xirnaayeen hotelka Jaziira kula qaatay qaar kamid ah Musharaxiinta kasoo horjeeda Madaxweyne Farmaajo ee maalmahan shirarka ku lahaa Hotelka Jaziira.

Ilo ku dhaw dhaw Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa laga soo xigtay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ka codsaday Musharaxiinta in uu dhax dhaxaadiyo labada dhinac ee Villa Soomaaliya iyo Musharaxiinta.

Musharaxiinta ayaana intooda badan aqbalay wadahadalka waxa ayna shuruudo ku xireen nuuca wadahadalka noqonayo iyo waxyaabaha laga wada hadlayo, waxa ayna Musharaxiinta iyo Madaxweynaha Galmudug u balameen kulamo kale.

Sida aan wararka ku helnay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa sidoo kale u sheegay mar kale Madaxweynaha Galmudug walaaca ay ka qabaan guddiga magacaaban ee doorashooyinka, waxa ayna ugu baaqeen in uu ka laabto guddigii hore.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa culees siyaasadeed kala kulmaya labada dhinac ee isdiidan, waxa uuna Axmed Qoor Qoor doonayaa in Dowlada federaalka qanciyo sidoo kale qanciyo Musharaxiinta mucaaradka taas oo ay adag tahay in uu isku wado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo war ka soo saartay qaraxii lagu hoobtay ee galabta ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Raila Odinga oo gaari Xamuul ah ku geeyay Maxkamada sare Kartoono Warqado ah iyo Dacwad (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada oo Cadaalad daro weyn ku sameesay Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---