Axmed Madoobe oo shaaciyay hal arin ay isaga mid yihiin Dowlada Federaalka iyo Al Shabaab

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka Jubbaland ayaa eedeymo badan u jeediyay dowlada federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in talada dalka hayaan dad uu sheegay in aysan wax badan kala socon waxii lasoo maray, waxa uuna cadeeyay in dolawda hada jirta meesha ka saartay hanaanka Sharciga ahaa ee lagu soo dhisay dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Axmed in Dowlada federaalka iyo Al Shabaab hal arin isaga mid yihiin, waxa uuna tilmaamay Al shabaab dadka kaoo horjeeda ka saaraan diinta halka Dowladana uu sheegay dadka kasoo horjeeda ka saarto Soomaalinimada.

” Dowlada iyo Alshabaab waa isku mid, Ma jiro habayaraatee Farqi u dhaxeeya, Al shabaab dadka kasoo horjeeda diinta ayey ka saaraan halka dowladana dadka ka aragti duwan ka saarto Soomalainimada ” ayuu yiri Amed Madoobe.

Madaxeymaha Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowlada federaalka in ay joojisay dagaalkii ka dhanka ahaa Al shabaab , waxa uuna tilmaamay in dowlada dagaalkii la doonayay in Al shabaab ku qaado badalkeeda kusoo qaaday dowlad goboleedyada.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in dowlada federaalka usoo bandhigtay in uu qaato lacag badan taa badalkeedana uu iska diiday, waxa uuna cadeeyay in uu ka biyo diiday dalabkaasi uga yimid dowlada federaalka.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo aadaya xili uu sii xoogeestay khilaafka u dhaxeeya dowlada federaalka iyo  Jubbaland, waxaana ciidamo ka amar qaata dowlada dhawaan Jubbaland kala wareegtay inta badan degnooyinka gobolka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -